Home » Maamulka Iskuulka Hoose Dhaxe Iyo Sare Ee Ma’ruf Oo Sheegay In Sanadkan Ardeydii ugu Badneed u Fadhisanayaan Imtaxaanka (SAWIRRO)

Maamulka Iskuulka Hoose Dhaxe Iyo Sare Ee Ma’ruf Oo Sheegay In Sanadkan Ardeydii ugu Badneed u Fadhisanayaan Imtaxaanka (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Iyadoo Wasaaradda Waxbarashadda Koonfur Galbeed ay dhowaan soo saartay jadwalka Imtaxanaadka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022-2023 kaasi oo si rasmi ah 20 bishan ugu bilaaban doono deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga dareemayaa goobaha waxbarashada Diyaar garow ku aadan Sanad dugsiyeedka.

Dugsiga Hoose dhaxe iyo sare ee Ma’ruf waxaa uu kamid yahay iskuulada diyaar garowga xoogan uga jira sidii ay ku gaari lahayeen kaalimaha hore sidii horeba u dhacdey sanadkii hore oo natiijooyin fiican ka keeneen.

Fasalada dugsiga dhaxe iyo kan sare waxaa ka socday murajicooyin kala duwan kuwaasi oo u horseedi kara guusha sanadkan sanad dugsiyeedka oo ay qaadayaan Wasaaradda Waxbarashadda Koonfur Galbeed Iyo tan Federaalka.

Maamulaha guud ee Iskuulada Hoose Dhaxe Iyo Sare ee Ma’ruf Mudane Abdulkadir Cali Maxamed Sidiko waxaa uu sheegay in dadaalo badan ay sameynayaan kuwaasi oo la doonayo in ardeyda muraajicooyin loo sameeyo sibuu yiri ugu fududaado Imtaxaanka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com