Home » Maamulka gobolka Shabeelada Hoose  oo booqday xarumaha muhiimka u ah bulshada magaalada Baraawe(SAWIRRO)

Maamulka gobolka Shabeelada Hoose  oo booqday xarumaha muhiimka u ah bulshada magaalada Baraawe(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baraawe(CKG)-Gudomiyaha Ayaa Waxaa Kormeerka Ku Wehlinayay duqa magaalada Dr Liibaan Abuukar Baffo

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa isbitaalka weyn ee Baraawe ku soo dhaweeyay agaasimaha isbitaalka isaga oo uga mahad celiyay maamulka gobolka booqashada uu ku Tagay

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha isbitaalka waxaana uu uga warbixiyay xaaladaha uu ku shaqeeyo isbitaalka guud ee magaalada iyo adeegyada caafimaad ee uu u qabto bulshada

Dhinaca kale gudoomiye Barre iyo duqa magaalada Baraawe ayaa Kormeeray MCH-ka magaalada, waxaana Ayna Ukuur galeen adeegyada caafimaad uu Bixiyo MCH Gudoomiyaha Gobolka Ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay ka shaqeyn doonaan horumarinta MCH-ka Baraawe.

Magaalada Baraawe ee caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ka soo kabaneysa rabshado hubeysan oo dhex maray ciidamada amniga, maamulka gobolka Shabeelada Hoose Iyo Gudiya Ka socday Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedka KGS ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in Lasoo Gebagebeeyo xasaradahaasi.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com