Baraawe(CKG)-Gudoomiye Mohamed Ibrahim Barre oo dhawaan loo magacaabay gudoomiyaha gobolka sh/hoose ee Koonfur galbeed ayaa hadlaayay Xaalada Degmada Baraawe ee Caasimada Maamulka KGS waxaa uu sheegay in ay ku guuleysteen Dejinta Xaalada Degmada oo dhowaan ka dhacday Shaqaaqo Sababtay Dhimasho iyo Dhawaac.
Sidoo kale Gudoomiye Maxamed Ibraahin Barre ayaa sheegay in Dhaawacyadii ku waxyeeloobay Dagaalkii ka dhacay Baraawe ay ku guuleysteen in ay geeyaan Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Caasimada Soomaaliya.
Gudoomiye Barre ayaa intaasi ku daray in Xaliyeen badi Khilaafaadkii hoose ee Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay kuwaas oo soo bilowday ka hor inta aysan Dagaalku soo bilaabanin.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Arimaha Amniga Gobolka waxaa uu Tilmaamay in Deegaanada weli ay maamulayaan Dagaalamiyaasaha Al-Shabaab ay qacanta uga dhigi doonaan Sida ugu dhaqsiyaha Badan.
Hadalkaan ka soo yeerey Gudoomiyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibrahim Barre ayaa imaanaya xili maalmo ka hor Shaqaaqo ka dhacday Degmada Baraawe ee Caasimada koonfur Galbeed, hadalkaan ayuu si gaar ah uga sheegay Xaflad uu xilka kala wareegaayey Gudoomiyihi horre ee Degmada Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Adan Cali Najx.
Codkakoonfurgalbeed.com