Home » Maamulka gobolka Sh/hoose oo lakulmay odiyaasha gobolkaasi(SAWIRRO)

Maamulka gobolka Sh/hoose oo lakulmay odiyaasha gobolkaasi(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Sh/hoose(CKG)-Godoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa maanta la kulmay odayaasha Dhaqanka iyo wax garadka Gobolka Shabeelada Hoose.

Gudoomiye Barre ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay kaalin weyn ku leyihiin nabadda iyo horumarka bulshada isaga oo xusay in ay ka wada hadleen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku dhiira galiyay wax garadka Gobolka Shabeelada Hoose in ay halkaasi ka sii Wadaan dedaalka iyo juhdiga ay galinayaan nabadda iyo xasiloonida Gobolka.

Gudoomiye Barre ayaa wax garadka Gobolka Shabeelada Hoose ka dhageystay aragtiyo horumarineed oo muhiim u ah bulshada Gobolka waxaana uu balan qaaday in uu dhageysan doono talooyinka iyo aragtiyaha wax garadka Gobolka Shabeelada Hoose oo kaalin muhiima ku leh horumarka bulshada.

 

Codkakoonfurgabeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com