Home » Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo gaaray degaanka Jaziira.

Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo gaaray degaanka Jaziira.

by Weriye Ateera

Jaziira(CKG)-Kormeerkaan oo ahaa mid Shaqo kuna saabsanaa u kuur gelidda Xaaladaha Deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa sameeyey Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Wafdi uu horkacayo oo Booqosho ku gaaray Halkaasi iyadoo si wayn halkaasi loogu soo dhoweeyey.

Kulan kusaabsanaa Xaalada Deegaanka Jazeera ee Gobolka Shabeelaha iyo Amniga ayuu Gudoomiye ku xigeenka la yeeshay Mas’uuliyiinta Deegaanka iyo Saraakiisha Amniga, kaasi oo intii uu socday Laisla Gartay in Lasiiwado Adkeynta Amniga Deegaanka Maadaama uu ku yaalo Goob istiraatiiji ah.

Kulanka ay wada qaateen kadib Gudoomiyaha Deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixyey Xaalada Deegaanka Isagoona Umahadceliyey Laamaha Amaanka ee Deegaanka ka howlagala oo qeyb ka qaatay Sugida Amniga.

Guddoomiye ku xigeeka Gobolka Shabeellaha Hoose Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa la Dardaarmay Maamulka Deeganka Saraakiisha Ciidanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka Jaziira, isagoona Faray Wadashaqeyn Buuxda.

Kormeerkaan ay Sameeyeen Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa imaanaya Xili uu dhowaan Madaxweyne Laftagreen Gobolka U magacaabay Gudoomiye Cusub oo bedeli doona Gudoomiye Ibraahim Cali Adan Najax.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com