Home » Maamulka gobolka Baay oo shaagay in lisku furi doono waddooyinka degmooyinka gobolka Baay.

Maamulka gobolka Baay oo shaagay in lisku furi doono waddooyinka degmooyinka gobolka Baay.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Baay Maxamed Isaaq Xasan (Cara Case) ayaa waxaa uu ka hadlay amniga guud ee degmooyinka gobolka Baay ayaa uu sheegay in loo baahan yahay qof kasta in uu amniga kaga qeyb qaato halka uu kaga aadan yahay taasi oo qeyb weyn ka qaadan karta xureynta iyo nabad galiyada gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka iyo laamaha amniga diyaar ay u yihiin in degaanka iyo shacabkooda ay u huri doonaan naftooda iyo dhiigooda taasi oo ah mid ay u dhaarteen ayna ka dhabeyn doonaan.

Mudane Cara Case ayaa Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Baay ka codsaday in ay ka shaqeyaan amniga iyo horumarinta degmada ayagoo la kaashanayaan qeybaha kala duwan bulshada iyo laamaha amniga si loo helo amni iyo in shacabka si nabad ah ay isku socdaan waddooyinka xiriiriya degmooyinkaasi.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in loo halgamo dowladnimada taasi oo ah mid ka taageeri karto dhan kasta ayadoo jirin dowlad fiican ayuu sheegay in loo soo halgamay degaanka iyo shacabka hadda oo la heysto dowlad iyo nadaam cusub loo baahan yahay in taasi la xoojiyo.

Guddoomiye Maxamed Isaaq ayaa xoojiyay in la isku furo degmooyinka KGS ka gaar ahaan shanta degmo ee ka tirsan gobolka Baay taasi oo ku sheegay in dad badan oo ah kuwa ugu nugul dhibaato badan ay ugu jiraan sidii kooxda Al-shabaab looga saari lahaa tuulooyinka ay u yalaan is baarooyinka iyo kuwa jid gooyooyinka ku hayaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com