Muqdisho (CKG) – Dhaqaale loo qorsheeyay in la siiyo dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii ay Ururka Al-Shabaab ku qaadan xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay qorshahaan dhaqaalaha lagu siinayo dadkaasi.
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobalka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in 69 kun oo dollar (Lixdan iyo Sagaal kun oo doollar ah) ay u qorsheeyeen inay siiyaan ehellada 8 qof oo ku geeriyooday weerarkaasi.
Wuxuu kaloo sheegay, in dadkii ku geeriyooday weerarkaas ay duugtoodii bixiyeen.
“Qoys kasta waxaan ugu tala galnay Afar kun oo dollar (Afar Kun oo Doollar ah) inta soo hartana waxaan sii doonaa dadka qaba dhaawacyada daran, lacagtaan waxaa iska soo uruuriyey shaqaalaha maamulka gobolka oo mushaarkooda qof kasta uu 10% ku deeqay,” ayuu yiri guddoomiye Guure.
CodkaKoonfurGalbeed.com