Home » Maamulka Dowladda Hoose Baydhabo oo qalab Nadaafadeed ku wareejiyey shaqaalaha Nadaafada Degmada Baydhabo(SAWIRRO)

Maamulka Dowladda Hoose Baydhabo oo qalab Nadaafadeed ku wareejiyey shaqaalaha Nadaafada Degmada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Maamulka dowlada hoose ee degmada Baudhabo gaar ahaan waaxda caafimaadka lyo faydhowrka degmada ayaa maanta tababar soconaayey laba maalin usoo xirtey qaar kamid ah shaqaala nadaafada degmada Baydhabo isla markaasna ku wareejisey qalabka nadaafadeed oo dhameystiran.

Xiritaanka munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Baydhabo, madax, gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada, agaasimaha waaxda caafimaadka iyo feydhoorka degmada, guddoomiyaha ururka haweenka iyo mas’uulin kale.

Mudda uu tababarka socday ayaa waxaa xoogga lagu saaray sidii looga qeyb qaadan lahaa nadaafadda iyo faydjhoorka degaanka ayadoona shaqaalaha lagu baray ilaalinta nadaafadda degmada.

Mas’uulinta kala duwan ee munaasabadda ka hadlay ayaa shaqaalaha faray in ay shaqadooda u gudtaan sidey tahay madaama qalabkooda loo dhameystiray.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Baydhabo mudane Mucaawiye ayaa sheegey in loo baahan yahay in la ilaaliyo nadaafadda magaalada si gaar ah goobaha wasaqda lagu soo daadiyo iyo dhamaan ka naalada biyo mareenada ah halkaasi oo ah meelaha u badan xiligaani goobaha wasaqdu ay fadhiistaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com