Home » Maamulka degmada Xudur oo ku baaqay gurmadka dadka abaarta sameysay.

Maamulka degmada Xudur oo ku baaqay gurmadka dadka abaarta sameysay.

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Xudur mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud iyo Iskuduwaha Arimaha Samafalka Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa xaruunta Degmada kulan kula qaatey Saraakiil kasocotey Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala magaalada Xudur.

Wakiilada hay’adaha ayaa laga dhageystey warbixin ku saabsan adeegyada gargaarka ah ay ka wadaan deegaanka si gaar ah dadka kasoo barakacey dhibaatooyinka Abaaraha iyo Amni xumada.

Dadka ugu badan ee samafalka u baahan ee ku sugan degmada Xudur ayaa waxaa kamid ah kuwii ka soo barkacay labada degmo ee kala ah Tiyeeglow iyo Rabdhuure kuwaasi oo badankooda dulsaar ku ah degmadaasi iyadoona heysan gar gaar ku filan iyadoona abaarta iyo godoonka ay ku jiraan ay u sii dheer tahay.

Maamulka degmada Xudur ayaa hay’adaha ugu baaqay in ay laba jibaraan samafalkooda, wuxuuna sheegay in la soo hormarsiyo sida ay u kala daran yihiin madaama ay ku jiraan Carruur, haween iyo kuwo da’ah oo aan waxba heysan.

Dhinaca kale Iskuduwaha Arimaha Samafalka Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed iyo hay’adaha ayaa maamulka u sheegeen in ay waajibaadkooda iyo u adeegidda bulshada ay xoojin doonaan arimaha abaarahana ka shaqeyn doonaan iyadoo lakaashan doonaan wasaaradaha arimahaasi ka shaqeeya ee DFS iyo maamulka KGS.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com