Home » Maamulka Degmada Xudur oo Kormeerey Goobihii Uu Saameyey Roobabkii Ka Da’ayey Degmadaasi (SAWIRRO)

Maamulka Degmada Xudur oo Kormeerey Goobihii Uu Saameyey Roobabkii Ka Da’ayey Degmadaasi (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Xudur CKG– Guddoomiyaha Degmada Xudur mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa kormeerey dadkii deegaan ahaan kunoolaa Xaafadda Buulow iyo Kaamamka magaalada oo saameeyn ku yeeshey Biyaha roobkii Habeenkii lasoo dhaafey ka da’ay magaalada Xudur. Intabadan Dadkii guryaha Xaafadda Buulow degganaa ayaa kasoo guurey, Sababtoo ah guryihii ay kujireen ayaa soo buux-dhaafiyey Biyaha Roobka, Gudoomiye Cumar Cabdulaahi ayaa inta uu ku gudajirey Kormeerka ayaa mid mid u wareystey qaar kamid ah dadka baaqiga ku ah Xaafadda, iyagoo la wadaagey dareenkooda iyo waxaa ay arkeen.

Gudoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa u mahadceliyey qofkasta oo kaalin weyn ku lahaa in lasoo bad-baadiyo Caruurta iyo Hooyooyinka guryahooda biyaha uga galeen, Sidoo kale wuxuu amaan aan lasoo koobi karin usoo jeediyey Geesiyaasha Ciidamada Xogga Dalka oo ilaa iyo xiligaan u taagnaa inay gawaaridooda kusoo raraan dadka Biyaha kusoo fatahey. Waxaa kormeerka ku wehlinaayey Gudoomiyaha Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur Isnake, Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada, Gudoomiyaha Guddiga Howlaha Guud, Gudoomiye kuxigeenada Degmada Xudur, iyo Isku-duwaha samafalka ee Gobolka Bakool.

CodkaKoonfurGalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com