Home Âğ Maamulka Degmada Xudur Oo Gargaar U Qeybiyey Dad Danyar ah oo ku Nool Degmadaasi (SAWIRRO)

Maamulka Degmada Xudur Oo Gargaar U Qeybiyey Dad Danyar ah oo ku Nool Degmadaasi (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Xudur (CKG)- Guddoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa gargaar Raashiin isu dheelitiran ah u qeybiyay 215-Qoys oo kamid ah Bulshada Xaafadda Buulow ee saameynta ku yeeshey biyiha Roobkii dhowaan ka da’ay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Dadkaan ka faa’ideystey deeqda Raashiinka ah ayaa u badnaa Hooyooyin Da’a ah oo guryahooda Xaafadda Buulow biyo ugu soo galeen, wuxuuna Gudoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud uu u mahadceliyey Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka iyo Wasaaradda Gargaarka ee Koonfur Galbeed ee suurtageliyey in gargaarka lasoo gaarsiiyo Bulshada Xaafadda Buulow, sidoo kalena wuxuu ku baaqey inaanu ku filneyn oo qofkasta uu caawiyo walaalaha u baahan in loo gargaaro.

maalmihii lasoo dhaafay Degmada Xudur waxaa gaarayey gurmadyo kala duwan kuwaasi oo loogu talo galay dadkii uu saameeyey daadkii saameynta badan ku yeeshay Bulshada Degmadaasi.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright Âİ 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com