Home » Maamulka Degmada Wanlaweyn oo ku baaqey in gurmad deg deg ah la soo gaarsiiyo dadka ka soo Barakacay toolooyinka hoos yimaada Degmada .

Maamulka Degmada Wanlaweyn oo ku baaqey in gurmad deg deg ah la soo gaarsiiyo dadka ka soo Barakacay toolooyinka hoos yimaada Degmada .

by Weriye Ateera

Walan-weyn(CKG)-Dhawaan qaar kamid ah degaano hoos tagaan degmada Walan-weyn ee gobolka Sh/hoose ee maamulka KGS waxaa ku fatahay webiga shabeelle kaasi oo latagay qaar kamid ah beerihii sanadkaan latabcay, waxaana xiligaani rajo la’aan ka ah kuwo badan oo rajo fiican kalahaa oo sugaayay inay ka mana cafacaan.

Fatahaadka beeraha kaliya ma sameynin sidoo kale waxaa ka qaxay boqolaal qoysas ah oo halkaasi deganaa kuwaasi oo hadda u qaxay degaano kale oo ka tirsan degmada Walan-weyn.

Wadooyin kala qeybiya degmada Walan-weyn, iyo degmooyinka kale ee gobolka ayaa sidoo kale qaarkood sameyey fatahaadka webiga uu sameeyay.

Maamulka degmada Walan-weyn oo qiimeyn ku sameynaayo dadka barakaca sameeyay ayaa waxaa uu wareysiyo la yeeshay dadkii barkaca sameeyay ee qaarkood wadooyinka ku jiray iyadoona ugu waramay xaaladdooda iyo degaanadii ay ka soo barkaceen.

Cabdixakiin Cabdulaahi gudoomiyaha Walan-weyn oo horey usoo qiimeeyay beeraleyda ayaa sidoo kale lahadlay dadka soo barakacay.

Gudoomiyaha ayaa gar gaar deg deg ah u diray hay’adaha ka howlgala degaanada KGS.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com