Waajid(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Waajid ahna Duqa Magaalada Mudane Maxamed Macalin Yuusuf ayaa Deeq Gargaar ah oo loogu Talagalay Dadka Danyarta ah ee ku Nool Degmada Waajid ka Gudoomey Madaxda Hay’adda Gargaarka Qaranka (Sodma) iyo Wasaarada Gargaarka Koonfur Galbeed.
Gudoomiye Maxamed Macalin Yuusuf ayaa ka Mahadceliyey Deeqdan ka Timid Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDma waxaana uu Tilmaamay in Dadkii loogu Talagalay la Gaarsiin doono Gargaarkan.
Deeqdaan raashiinka ah ayaa intooda badan waxaa loo qeybin doonaa dadka barkacyaasha ah eek u nool degmada Waajid madaama degmada ay ku soo barkaceen dad aad u tira badan kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u soo gareen degmadaasi.
Maamulka degmada Waajid ayaa dadaalo ku bixinayaa sidii gar gaar ay u heli lahayeen dadka danta yare e ku nool degmada Waajid kuwaasi oo ku jiraan muddo sanado ah go’ddon xooggan oo saartay kooxda Al-shabaab mana jiraan wax gaadiid ah oo gala am aka baxa degmada Waajid.
Guddoomiye Maxamed Macalin Yuusuf oo la wareegaayay deeqdaani ayaa sheegay in intaani aysan ku filneen dadka danta yar iyo kuwa barkacyaasha ah eek u nool degmada Waajid, wuxuuna baaq u diray hay’adaha gar gaarka bixiya eek a howlgala koonfur galbeed in ay il gaar ah ay ku soo fiiriyaan degmada Waajid.
Codkakoonfurgalbeed.com