Qansax dheere(CKG)-Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa Xafiiska Wasaaradda kulan kula qaatay hay’adda Islamic relief oo ka howlgashada gobolada koonfur galbeed taasi oo arrimo samafal ah ga geysataa degaanada KG.
kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Mudane Barre Aadan Abdi iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Mudane Mubaarak Abdisalaan Haji.
Kulanka ayaa looga hadlayey sidii hay’adda Islamic iyo Wasaarada ay iskaga kaashan lahaayeen howlaha Udxiyada oo ay hay’adda ka fulinayso Deeganada koonfur galbeed taasi oo ku aadan sidii maalmaha ciidda loogu farxin lahaa dadka muslimiinta gaar ahaan kuwa danta yar.
Maadaama howlaha qurbaaniga ay yihiin howlo diini ah oo ay waajib ka saarantahay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta inay kor joogteyso ayaa wasaaradda isku diyaarisaysa sidii maalinta ciidul adxada ay uga qeyb qaadan laheyd.
Wasiirka Wasaarada ayaa ugu mahadceliyey hay’adda Islamic Releif booqashadooda iyo garab istaagooda umada soomaaliyeed Wasiirka ayaa ubalan qaaday hay,adda inay kala shaqeyn doonaan howlaha qeyriga ah ee ay ka fulinayaan guud ahaan deeganada maamulka koonfur galbeed soomaaliya.
Codkakoonfurgalbeed.com