Home » Maamulka Degmada Buur-Hakaba oo ku baaqay in la caawiyo dadka danta yar.

Maamulka Degmada Buur-Hakaba oo ku baaqay in la caawiyo dadka danta yar.

by Weriye Ateera

Buur-Hakaba(CKG)-Si wax looga qabto horumarinta arrimaha bulshada iyo guud ahaan amniga degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay ayaa maamulka iyo taliyaha saldhigga Booliska degmadaasi ay wadaan wacyi-galino ku aadan sidii loola shaqeyn lahaa laamaha amniga iyo maamulka degmada Buur-Hakaba.

Maamulka ayaa maalin iyo habeen waxay dadaalo ugu jiraan sidii degmada ay ugu horumarin lahayeen dhan kasta sida amniga, nadaafadda iyo goobaha kale ee adeegyada bulshada.

galabadii iyo maalmaha gaar ayaa maamulka waxay kormeer ku sameyaan goobaha ay ku badan yihiin bulshada sida suuqyada iyo goobaha lagu ciyaaro kubadda cagta halkaasi oo ay ugu wacyi-galiyaan arrimaha degmada la shaqeynta laamaha amniga iyo guud ahaan maamulka degmada Buur-Hakaba,

Guddoomiyaha maamulka degmada Buur-Hakaba oo la hadlaayay bulshada qeybahooda kala duwan ayaa waxaa uu ka codsaday in ay ka shaqeyaan horumarinta arrimaha degaanka si loo gaaro isku filnaansho dhan kasto ah.

Dhinaca kale maamulka degmada Buur-Hakaba ayaa hay’adaha ka shaqeya arrimaha samafalka iyo Urrurada kale ee caawiya dadka danta yar ayaa waxay ugu baaqeen in ay caawiyaan dadka danta yar madaama maalmo kaliya ay nooqa harsan tahay maalmaha ciidul adxa.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com