BAYDHABO(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa Manta Booqdey Deegaanka Barqaawo ee Duleedka Magalada Baydhabo.
Boqashada Gudoomiyaha ayaa ah u kuurgalida xaaladaha Deegaanka oo ay deganyihiin dadka Barakacayasha ah iyo qiimeynta Sidii loo fulin lahaa Mashruuca Koranta u helida dadka Barakacayaasha ah.
Gudoomiyaha Degmada Ayaa sido kale Booqdey Ceelelka biyaha Deegaanka kadib cabashooyin biyo yare ah oo ay soo gudbiyeed dadka Barakacayaasha ah.
Maamulka degmada iyo hay’adaha gacanta ku hayaan dadka ku nool degaanka Barwaaqo ayaa sheegay ama balan qaaday in ay heli doonaan biyo ku Filan oo nadiif ah, koronto iyo adeegyada kale ee Bulshada.
Codkakoonfurgalbeed.com