Home » Maamulka degmada Baraawe iyo Isku duwiyaasha wasaaradaha KG oo kulan muhiim ah yeeshay(SAWIRRO)

Maamulka degmada Baraawe iyo Isku duwiyaasha wasaaradaha KG oo kulan muhiim ah yeeshay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baraawe(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Baraawe ahna duqa caasimada Dowlada Koonfur Galbeed mudane Omar Sheikh Abdi Shafaana ayaa kulan la qaatey iskuduwayaasha wasaaradaha Dowlada Koonfur Galbeed ee ka howl gala magaalada Baraawe.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay iskuduwayaasha kala ah Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta,Wasaarada kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga,Wasaarada Tamarta iyo Biyaha,Wasaarada Diinta iyo Arimaha Owqaafta,Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Wasaarada Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Kulankan ayaa waxaa shir-gudoominayey gudoomiye Omar Sheikh Abdi Shafaana waxaa uuna warbixinno kala ka dhegeystey dhamaan iskuduwayaasha kasoo qeyb galay kulanka, waxaa ayna ka warbixiyeen adeegyada ay u hayaan bulshada kudhaqan magaalada Baraawe.

Ugu dambeyn gudoomiye Omar oo kulanka soo xirey ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta in ay dardar geliyaan howlaha hortebinta leh.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com