Kusmaayo (CKG)- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa si adag uga hadlay diyaarad gargaar ah oo Jubbaland ay u diri lahayd degmada Baardheere si loogu caawiyo dadka ay fatahaaddu saamayey balse ay is-hortaag ku sameeyeen maamulka degmadaasi.
Baardheere oo kamid ah Degmooyinka Jubbaland ayaa in muddo ah ka biyo diidsan xukunka Kismaayo waxayna qabaan dood ah in Degmooyinka Gobolka Gedo oo dhan aan la hoosgeynin maamulka Jubbaland.
degmooyinka Doollow Beladxaawo Luuq iyo Baardheere ayaa hada si toos ah ugu amar qaata siyaasiintii safka kula jiray Ahmed Mohamed Islaam Madoobe kuwaasi oo hada falqinaya diidmada Hoggaanka Ahmed Madoobe ee ka taliya Jubbaland.
Codkakoonfurgalbeed.Com
Kismaayo