Home » Maamulka Deegaanka Yeed Ee Hoostaga Degmada Rabdhuure Oo Sheegay In Garoon Diyaradeed Ay Ka Hergeliyeen (SAWIRRO)

Maamulka Deegaanka Yeed Ee Hoostaga Degmada Rabdhuure Oo Sheegay In Garoon Diyaradeed Ay Ka Hergeliyeen (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Yeed (CKG)-Waxaa la furay garoonka diyaaradaha Ugaas Jire Airport ee Deeegaanka Yeed ee hoostaga Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, garoonka ayaa si caadi ah u shaqaynaya wixii hadda ka dambeeya, diyaaraduhuna waa ku degi karaan sidaasi waxaa yiri” Guddoomiyaha Deegaanka Yeed ee gobolka Bakool Mudane Cabdisalaam Faaqid Duwane, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool Mudane Cumar Daa’uud Khaliif iyo Odayaasha deegaanka Yeed.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu mahadceliyey Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle oo kaalin weyn ka qaatay hagaajinta garoonkaan, waxay sidoo kale u mahadceliyeen maamulka deegaanka iyo qurbajoogta kasoo jeedda deegaanka ee ku nool dalka Maraykanka.

Garoonka dherekiisu waa 2KM, halka balaciisu yahay 30M, waxaana loo dhamaystiray adeegyada aas-aasiga ah ee looga baahan yahay garoon diyaaradeed.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com