Home » Maamulka cusub ee Gobolka Sh/hoose oo Baydhabo lagu dhaariyay (SAWIRRO)

Maamulka cusub ee Gobolka Sh/hoose oo Baydhabo lagu dhaariyay (SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Munaasabaddan lagu qabtay xarunta madaxtooyada KGS ee magaalada Baydhabo ayaa waxay aheyd mid lagu dhaarinaayay gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo gudoomiye ku xigeenka qorsheynta gobolka sh/hoose.

Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuulin ka socotay dowladda FS iyo maamulka KGS ayaa ka qeyb galay dhaarinta maamulka cusub ee gobolka Sh/hoose.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee KGS Dr Axmed Cali Muuse ayaa dhaaliyay maamulka cusub ee gobolka Sh/hoose.

Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa dar-daaran u jeediyay gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo gudoomiye ku xigeenka qorsheynta gobolka sh/hoose, muxuuna madaxweynaha u sheegay maamulka in ay si hufan ay ugu adegaan shacabkooda.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in howshaan ay tahay mid culus oo ah in loo adeego gobol oo dhan shacabkiisa.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com