Home » Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka.

Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka.

by Weriye Ateera

Gedo(CKG)-Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi  ayaa ka dalbaday Mas’uuliyiinta iyo shacabka ku nool degmda Baardheere ee gobolka Gedo in ay  Sugida Amniga kala shaqeeyaan Maamulkooda .

Gudoomiye Maamed Xuseen Alqadi ayaa sidoo kale sheegay  in Maamulka cusub ee loo soo magacaabay  gobolka Gedo qorshahood koowaad uu yahay la dagaalanka Alshabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amniga  gobolka Gedo.

Dhinaca kale,  Gudoomiye  ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa uga digay siyaasiyiinta Mucaaradaka ah ee hore xilalka uga soo qabtay gobolkaas in y carqaladeeyaan Ma’uliyiinta cusub ee dawlad goboleedka Jubland ay u soo magacaabeen gobolka Gedo.

Ugu dambeeyntiina Gudoomiye  Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa ugu baaqay Dawlad goboleedka Jubland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya in ay soo Magacaabaan Maamulada degmooyinka gobolka Gedo si ay shaqada hore ugu sii socoto.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com