Home » Maamulka Cisbitaalka Gobolka Bakool Oo lagu wareejiyay Matoor Koronto Bulshada loogu adeego(SAWIRRO)

Maamulka Cisbitaalka Gobolka Bakool Oo lagu wareejiyay Matoor Koronto Bulshada loogu adeego(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa ka qeybgaley munnaasabad kooban oo Hay’adda DARDO ay Wasaaradda Caafimaadka kugu wareejineysay Matoor koronto oo loogu adeegi doono Bukaanada Isbitaalka guud ee Gobolka Bakool, maadaama isbitaalka uu horey uga jirtey baahi dhanka Korontada ah.

Gudoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud iyo Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaad ee Gobolka Bakool Musdhaf Maxamed Axmed ayaa si wadajir ah uga mahadceliyey Hay’adda DARDO oo Isbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisey Matoorka, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee Gobolka oo dhismo iyo Isbadel lagu soo kordhiyey.

Guud ahaan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ma jirto shirkad ku filan oo koronto siisa maalin iyo habeen tanina waxay qeyb ka tahay in isbitaalka Gobolka Bakool ee Degmada Xudur in wax weyn ay ka qaban doonto baahiyaha loo qabo korontada.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com