Home » Maamulada Sh/hoose oo kahadlay horumarinta Bulshada Gobolka.(SAWIRRO)

Maamulada Sh/hoose oo kahadlay horumarinta Bulshada Gobolka.(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Sh/Hoose(CKG)-Godoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa Maanata la kulmay Gudoomiye Ku Xigeenada Gobolka Shabeelada Hoose, Waxaana ay Ka wada hadleen sidii ay si wadajir ah ugu wada shaqeyn lahaayeen bulshada Gobolka Shabeelada Hoose.

Gudoomiye Barre ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay ka maamul ahaan aan si Cadaalad, hufnaan iyo Wadajir ku dheehantahay aan ugu adeegi lahaayeen dadka Gobolka Shabeelada Hoose oo baahi weyn u qaba dhamaan adeegyadaasi.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada ayaa xusay in ay ku balameen in mas’uul walba uu Guto kaalintiisa kaga aadan shaqada uu u hayo bulshada, si loo rumeeyo himilada Horumarineed ee uu hiigsanayo Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose.

Kulanka ayaa sidoo kake waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabeelada Hoose oo laga dhageystay warbixino ku saabsan doorka haweenka iyo dhalinyarada ee horumarinta bulshada Gobolka Shabeelada Hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelad Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa ugu Danbeyn sheegay in bulshada Gobolka Shabeelada Hoose ay ka soo kabanayaan Duruufo adag oo kala Duwan, isla markaana ay ka go’antahay in ay rumeeyaan Adeegyada ay u baahanyihiin oo ay ugu horeeyaan horumaro laga gaaro dhinacyada Amaanka, ganacsiga, caafimaadka iyo Waxbarashada.

Codkakoonfurgalbeed.com

By: Siid Cali Muuse

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com