Home » Maalmo dagaal kadib waa sidee xaaladda degmada Baraawe? (SAWIRRO)

Maalmo dagaal kadib waa sidee xaaladda degmada Baraawe? (SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baraawe(CKG)-Maalmo ka hor 12 Juun 2023, degmada Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka KGS, waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyo ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka daraawiishta maamulka KGS, kaasi oo dhaliyay qasaaro is kugu dhiraan dhimasho, dhaawacyo iyo bur-bur hanti shacab.

Maalmahaasi shaqaaqada ka socotay degmada Baraawe ayaa waxaa ka xirmay isu socodka gaadiidka iyo dad weynaha, iyadoo sidaas oo kale xirmeen goobihii waxbarashada iyo adeegyadii kale ee bulshada.

Dagaalka ka dhacay degmada Baraawe, ayaa waxaa ka hadlay dhamaan maamulada gobol iyo degmo, odiyaasha dhaqanka iyo siyaasiin ka tirsan dowladda FDS.

Intii dhacdadaasi ay taagneed ayaa dad badan oo kala jooga dalka iyo dibad ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadleen, iyadoona inta badan siyaasiinta iyo shacabka ka soo jeeda gobolka sh/ hoose gaar ahaan degmada Baraawe, dagaalkaasi waxay ku edeyeen hogaanka maamulka KGS Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wasiirka KGS, Caddaaladda, Amniga iyo arrimaha gudaha dowladaha hoose, ayaa warqad si wada jir ah usoo sareen waxay baaq nabadeen ugu direen in la joojiyo dagaalkaasi oo ay dhaxgalaan maamulka degmada iyo ciidanka ATMIS.

Maalmo kadib waxaa lagu guleystay in laxaliyo colaadda degmadana ay ku soo laabato si nabad galiyo ay ku jirto.

Intaasi kadib dhamaan waxaa soo laabtay oo dib loo firay goobihii waxbarashada, suuqyadii, isu socodka dadka iyo gaadiidka iyo adeegyadii kale ee bulshada.

Qaar kamid ah bulshada degmada Baraawe oo lahadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geystay joojinta colaaddaasi, iyadoo sheegay in xiligaani la joogin xili lagu kor dagaalamo shacab iyo magaalo kala xiran dadkeeda kasi karin halka ay adayaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com