Baydhabo(CKG)-Tababarkan ayaa galay maalintiisii labaad iyadoona diiradda lagu saaray ka doodista sida loola dhaqmayo dadka baahiyaha gaarka qaba oo qeeyb ka ah bulshada.
Qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo tababarka ka qeeyb qaadanayey ayaa doodahooda ku soo bandhiggay baahidooda iyagoona qodobeeyey baahiyahooda iyo sida ugu macquulsan ay rabaan in ay ula dhaqmà an bulshada ay la nolyihiin si looga fogaado in ay dareemaan takoor tusaaleeyn kara in aysan la mid aheyn bulshada.
Iyadoo dadka baahiyaha gaarka ah qaba muujinaayo aqabadaha ay la kulmaan ayaa tilmaameen in ay helaan goobo u gaarka ah wax iyaga u gaar ah oo ka caawin karaa howlahood.
Kuwo qaar oo lixaadkooda kala dhiman ayaa doodaha tababarka ku sheegay in ay shaqooyinka qaar ay ku wayeen xubnahooda oo dhiman dartooda, taasi oo ku sheegeen in ay tahay faquuq iyo in lagu xadgudbay.
Wariyaashii qeybta ka ahaa tababarka ayaa su’aalo dhinacyo badan tabanayaan oo ay weydiyeen ayaa loogu iftiimiyay in maalin kasta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay la kulmaan xadgudubyo iyo in laga hor istaago shaqooyinka ay ubaahan yihiin iyo taageero la’aanta ay kala kulmaan bulshada kale.
Wariyaasha oo doodahaan kadib xog fiican ka helay nolosha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa sheegay in xaaladahooda ka sameyn doonaan Barnaamijo kala duwan’ iyadoo sheegay maanta dadkaani ay ku jiraan kuwo hal abuuro fiican leh oo u baahan in loo fa’ideeyo degaanka iyo bulshada.
Codkakoonfurgalbeed.com