Baydhabo (CKG)- Xuska Maalinta Malariyada Addunka oo ku beegan 25 bisha April ayaa maanta lagu qabtay Gudaha Magaalada Baydhabo.
Munaasabadan oo ay soo qaaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed waxaa ka qeybgalay Madaxa Malariyadda wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Marwo Caasho Abdullahi Mohamed xubno ka socdey Wasaaradda Caafimaadka iyo bulshada Magaalada Baydhabo.
Munaasabada intii ay soctay waxaa ka qeybgaliyaasha inta badan ay sheegeen in saameyn ba’an ay dad ku hayso malaria xiligana la joogo waqtigii ay soo ridan jirtay dadka kaneecadu cuntay.
Madaxa Malaaria Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Marwo Caasho Abdullaahi Mohamed ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ay ku dadaali doonan sidii loo yareyn lahaa faafida malaria da taasi oo dhibaato badan ay ku qabaan bulshada inteeda badan waxayna tiri”.
runtii Wasaaradda waxay dadaal dheerad ah ay gelinaysa sidii loogu hortagi lahaa Malaria da waaladiinta waxaan u sheegayaa inay taxadir dheer ay sameeyaan si ciyaalka yaryar aan saameyn togan ugu yeelan.
Codkakoonfurgalbeed.com