Home » Laftagareen oo war kasoo saaray xildhibaan ay Al-Shabaab ku dileen Xamar

Laftagareen oo war kasoo saaray xildhibaan ay Al-Shabaab ku dileen Xamar

by Weriye Ateera

Muqdisho (CKG) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, isaga oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale kooxda dishay xildhibaanka oo mar qura rasaas ooda uga qaaday ayaa goobta isaga baxsatay, mana jiro tallaabo ay qaadeen ciidanka amniga, kadib dhacdadaasi.

Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo war kasii saaray geerida marxuumka ayaa xaqiijiyay in uu xildhibaanka ku baxay gacanta Al-Shabaab, wuxuuna ka tacsiyeeyay geeridiisa.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xildhibaanka uu door muuqdo kasoo qaatay nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana la dilay isaga oo u adeegayay bulshadiisa.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com