Home » Laban Cabdi Xuseen Oo Dhawaan Balan Qaad Shaqo Ka Heshay Wasiirka Caafimaadka KG Oo Maanta Si Rasmi Ah U Shaqo Bilowdey (SAWIRRO)

Laban Cabdi Xuseen Oo Dhawaan Balan Qaad Shaqo Ka Heshay Wasiirka Caafimaadka KG Oo Maanta Si Rasmi Ah U Shaqo Bilowdey (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Balanta oo la oofiya waa Astaanta Muslimiinta iyo Garashada mas’uulka wanaagsan sida uu maanta sameeyey wasiirka wasaarada Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada KGS Mudane Maxamed Cusman Xaaji jiidow.

dhowaan ayey ahayd markii Jiidow munaasabad ay ku qalan jebinayeen ardey wax ka baratay jaamacada koonfurta soomaaliya ee magaalada baydhabo uu ugu balan qaadey gabar umul ah inuu ka shaqaaleysiin doono Wasaarada Caafimaadka waxaana maanta si rasmi ah loo shaqaaleysiiyey ladan Cabdi Xuseen.

Madaxa Maamulka iyo shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Koonfur Galbeed Xasan cabdi cali (Dajuma) ayaa maanta ladan cabdi xuseen ku wareejiyey heshiiskeeda shaqada iyo ID-gii ay ku shaqeyn laheyd.

Naciimo Axmed Cadow Oo ah madaxa Caafimaadka Arimaha Qoyska ee Wasaarada waxay balan qaadey iney Ladan si gaar ah ula shaqeyn doonto bacdamaa ay dumar isku yihiin.

Ladan cabdi xuseen waxay kamahad celisey garashada Wasiirka iyo dhamaan shaqaalaha Wasaarada sida wanaagsan ay u soo dhoweeyeen.

waxayna balan qaadey iney si wanaagsan ay u gudan doonto waajibaadka ka saaran bulshadeeda.

Talaabada uu maanta qaadey wasiirka wasaarada caafimaadka iyo Daryeelka Bulashada Dowlada KGS mudane Maxamed Cismaan jiidow ayaa u muuqata mid ku dayasho mudan oo ay siweun u soo dhoweeyeen dhamaan waxgaradka iyo aqoonyanada somaaliyeed.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com