Muqdisho (CKG)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.