Home » Kulan loogu hadlayo Horumarka Degmada Xudur Oo lagu qabtay Degmadaasi.

Kulan loogu hadlayo Horumarka Degmada Xudur Oo lagu qabtay Degmadaasi.

by Mohamed Adam Socdaal

(Xudur CKG-) Guddoomiyaha Degmada Xudur mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa ka qeybgaley Kulanka Bulshada maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur, kaasi oo Bulshada iyo maamulka kaga hadlayeen horumarada kala duwan ee kasocda magaalada Xudur iyo kuwa u baahan in la dar-dargeliyo.

Bulshada ayaa si aad ah uga mahadceliyey Hay’dda TIS-3 oo mashaariic kala duwan ka sameeysey magaalada Xudur, sidoo kale waxey ka codsadeen inay sii xoojiso shaqada wanaagsan ay Bulshadu u heyso, waxaa sidoo kale kasoo qeybgaley Kulanka Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur Isnake odayaasha iyo waxgaradka Degmada.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com