Home » Kulan looga hadlay wax-qabadka hay’adaha Amniga oo ka dhacay Muqdisho

Kulan looga hadlay wax-qabadka hay’adaha Amniga oo ka dhacay Muqdisho

by Mohamed Adam Socdaal

Wasiiru Dowlaha  Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxman Yuusuf AlCadaala iyo taliyaha Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa guddoomiyay shirka khamiis laha ah ee hoggaamada iyo Fadhiya Madaxa banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu bogaadiyay wax-qabadka shaqo ee hay’adaha ammaanka gaar ahaan sugidii amniga guud, xiligii Ramadaanka, Imtixaanaadka, la dagaalanka Burcada iyo Al-shabaab.

kulanka ayaa si gaar ah waxaa Ciidanka Boliiska, hay’adda Nabadsugida iyo Polizia Militare loogu bogaadiyay hirgelinta Xeerka Xakameyn Hubka ee Caasimadda Muqdisho.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga dareemayaa deganaasho amni, kadib markii qayb ahaan lagu wareejiyay amniga ciidamo boolis milataaro ah oo dhowaan lagu soo tababaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com