Home » Kulan looga hadlay Ammaanka Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlay Ammaanka Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Saraakiisha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacay xarunta qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed islamarkaana ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo isxogwareysi ayaa diirada lagu saaray dardargalinta sugida Amniga Caasimadda, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta Boliiska iyo Maamulada Degmooyinka, ka hortaga falalka amini darro, la dagaalanka kooxaha burcadka iyo Ciyaal Weerada, iyo ciribtirka Maandooriyaha

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com