Xudur (CKG)- Gudoomiyaha Gobolka Bakool mudane Maxamed Cabdi Tool oo uu wehliyo Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa kula la qaatey xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xudur, Kulanka ayaa looga hadley sidii looga qeyb-qaadan lahaa wajiga Labaad ee xureynta deegaanada Gobolka Bakool.
Gudoomiyaha ayaa Golaha kala hadley inay u diyaar garoobaan oo Bulshaduna ay hormuud u noqdaan, garab iyo masakax-ba lagu taageero Ciidamada kala duwan ee howlgalka ka qeybgali doono.
Sidoo kale wuxuu sheegey in dhowaan Degmooyinka Gobolka Bakool ee ka maqan gacanta Dowladda, dib loo xureyn doono, muhiimna ay tahey in la gaarsiiyo adeegyada Dowladda ee Bulshadu u baahanyihiin.
Degmooyink Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayaa ah kuwo xiligaana maamula kooxda Al-shabaab mudo sanado ay, sidaasi ay tahay ayaa maamulka gobolka Bakool sheegay sidii dib gacabta dowlada loogu soo celin lahaa waa in laga qeyb qaato xureybta KGS.
Dhawaan ayay aheyd kadib, markii madaxweynaha KGS Cabdicasiis lafta-gareen ugu baaqey maamulada iyo shacabka gobolka Bakool u diyaar garowaan wajiga kabaad ee kadagaalanka kooxda al-shabaab.
Codkakoonfurgalbeed.com