Home » Kulan looga hadlaayay xoojinta waxbarashada oo lagu qabtay degmada Baraawe(SAWIRRO)

Kulan looga hadlaayay xoojinta waxbarashada oo lagu qabtay degmada Baraawe(SAWIRRO)

by Weriye Ateera
Baraawe (CKG) – Guddoonka Waxbarashada Caasimadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baraawe Mudane Nur Abubakar N.Nurshe ayaa kulan la qaatay maamulada kala duuwan ee Iskuulaadka Degmada Baraawe.
Kulanka ayaa looga hadlay arimaha Waxbarashada Degmada, sida u diyaar garowga imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalada kala ah 8aad, 12aad iyo ardayda heerka 4aad ee Mashruuca BAB.
Waxaa sidoo kale diiiradda la saaray in dhamaan maamulayaasha ka qeyb qaataan wacyigelinta ardayda, horumarinta waxbarashada sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada ardayda, iyo sidii sanad Dugsiyeedka cusub loo heli lahaa waxbarashada tacliinta sare.
Maamulada ayaa lagu wargaliyay sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen xoojinta xiriirka macalimiinta iyo waalidiinta ardada si looga hortago maqanaanshaha iyo hoos u dhaca waxbarashada aedad,
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com