Waajid(CKG)-Wasiir-kuxigeenka wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada Koonfur Galbeed Mudane Cumar Cabdirahman Maxamed iyo wafdigiisa oo maalmahan howlo shaqo u joogey degmada Waajid ayaa kulan la qaatey maamulka degmada waajid oo uu horkacaayo gudoomiyaha degmada ahna duqa magaalada mudane Maxamed Moalim Yuusuf iyo kuxigeenadiisa iyo Xilibaanada golaha deegaanka degmada Waajid.
Kulanka waxaa diirada lagu saarayey qaabkii ay bulshada Waajid uga faa’ideysteen mashruuca Baxnaano iyo isku diyaarinta wajiga labaad ee mashruuca oo dhawaan la filaayo in uu dib u bilowdo.
Sido kale wasiirka waxa uu warbixinta guud ee degmada ka dhageystey maamulka degmada iyo golaha deegaanka ayagoo ka warbixiyay howlaha ay u baahan tahay degmada Waajid iyo in wax laga qabtay arimaha bulshada.
Wasiirka iyo maamulka degmada Waajid ayaa isku afgartay sidii wax looga qaban lahaa horumarinta arimaha bulshada iyo u diyaar garowga bilaawasha barnaamijka Baxnaano.
Codkakoonfurgalbeed.com