Home » Kulan looga hadlaayay dar-dar galinta wax ka qabashada arrimaha bulshada oo Xudur lagu qabtay(SAWIRRO)

Kulan looga hadlaayay dar-dar galinta wax ka qabashada arrimaha bulshada oo Xudur lagu qabtay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo ay wehliyaan ku-xigeenada Degmada iyo xubnaha golaha deegaanka ayaa kulan la qaatey dhammaan Hay’daha ka shaqeeya Samafalka, Ganacsatada, Shirkadaha maxaliga ah iyo ururada Bulshada kale, waxaana looga hadlaayey sidee loo dar-dar gelin karaa howlaha kala duwan ee Bulshada ee u baahan in si wadajir ah xoogga loo saaro wax-ka wabashadooda.

Dhamaan ka soo qeyb galiyaasha kulanka gaar ahaan hay’adaha iyo ganacsatada ayaa Laga dhageystay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka qaban karaan arrimaha bulshada, waxayna shrgeen in ay u taagan yihiin horumarinta degaanka.

Dhinaca hay’adaha ayaa sheegay in dhinaca samadalka ay xoogga saari doonaan diyaarna ay u yihiin in ay maamulka kala shaqeyaan garab istaaga arrimaha bulshada iyo sidii xaaladahooda wax looga qaban lahaa.

Maamulka iyo golaha degaanka degmada Xudur ayaa sheegay in dhankooda la Soo marsiin doono adeegyada ay rabaan in hay’adaha ay ka fuliyaan degmada SI loo ogaado waxyaabaha ay u baahan yihiin bulshada.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com