XUDUR(CKG)-Shaqaalaha guud iyo Maamulka Isbitaalka gobolka bakool ayaa si wada jir ah uga qeyb gala kulanka billaha ah ee bilwalba si joogto ah loogu qabta gudaha isbitaalka.
Kulanka waxa looga hadlay horumarada iyo habsami u socodka adeegyada caafimaad ee isbitaalka bixiyo, waxa warbixino laga dhageystaa dhaqaatiirta iyo kormeerada qeybaha kala duwan ee isbitaalka ka kooban yahay, waxa sigaar ah loo xusey nadaafada isbitaalka, la dhaqanka iyo soo dhoweynta bukaanada isbitaalka yimaada.
Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Bakool Aadan Nuur Maalimay oo Kulanka goob joog ka ahaa ayaa bogaadiyey adeegyada xagar la’aanta ah ee shaqaalaha isbitaalka qabtaan iyo gudashada waajibaadkooda, agaasimaha waxa si gaar ah u jeediyey in la dardargeliyo adeega caafimaad ee bulshada gobolka loohayo.