Home » Kulan looga hadlaayay arrimaha gar gaarka oo lagu qabtay degmada Xudur(SAWIRRO)

Kulan looga hadlaayay arrimaha gar gaarka oo lagu qabtay degmada Xudur(SAWIRRO)

by Weriye Ateera
Xudur(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Bakool mudane Maxamed Cabdi Tool, ayaa kulan la qaatey Hay’adaha gargaarka kala duwan ee ka shaqeeya magaalada Xudur, waxaana kulankooda uu daarnaa sidee si deg deg ah wax looga qaban karaa xaaladaha bani’aadanimo ee Bulshada soo wajahdey.
Maamulka Degmada, Maamulka Gobolka & maamulada Degmooyinka Tiyeeglow, Rabdhuure oo isku dhinac ah waxey si is kumid ah ugu sheegeen Saraakiisha kasocotey Hay’adaha gargaarka inay muhiim tahey in Bulshada si wadajir ah gargaar bani’aadanimo loola soo gaaro. Waxaana sidoo kale Kulanka Aaladda fogaan aragga ah uga soo qeybgaley Wasiirka gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush.
Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaa kunool dad nugul oo qaarkood ay kasoo barakaceen dhibaatooyinka Maleeshiyaadka Alshabaab, deegaanda, Tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolka Bakool Bulshadooda waxey si isku mid ah ugu noolyihiin magaalada Xudur, hadana waxaa u dheer go’doonka mudada dheer uu saarnaa.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com