Home » Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Kulan looga hadlaayey Xaaladaha Amni ee Magalada Baydhabo oo ay shir godoominaayeen Wasiirka wasaarada Amniga gudaha Koonfur galbeed iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ayaa Manta lagu qabtey Xaruunta Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo .

Kulanka waxaa Qeyb galey Saraakiisha ciidanka Qeybohooda kala duban, Dhamaan Gudoomiye Xaafafeedyada,Hooyoyinka iyo Dhalanyarada Magalada Baydhabo.

si gaar ah waxaa kulanka looga hadlayey kulanka sidii loo kordhinlahaa Wada shaqeynta laamaha Amnaanka iyo Bulshada Magalada Baydhabo.

Guddoomiyaha degmada Baydhabo oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hadda ay jiraan isku xirnaan fiican oo maamulka iyo laamaha amniga ah.

“Waxaan amaan iyo bugaadin halkaan ugu dirayaa laamaha amniga, guddoomiyaasha xaafadaha magaalada Baydhabo, dhalinyarada iyo hooyooyinka kuwaasi oo habeen iyo maalin ay u soo jeedaan sidii ay uga shaqeyn lahayeen amniga iyo guud ahaan adeegyada kale ee bulshada, waxaan idin leeyahay dadaalka hala sii laba jibaaro”

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com