Home » Kulan looga hadlaayay Amniga oo lagu qabtay degmada Waajid ee gobolka Bakool(SAWIRRO)

Kulan looga hadlaayay Amniga oo lagu qabtay degmada Waajid ee gobolka Bakool(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Waajid(CKG)-Gudoomiyaha Degmada Waajid ahna Duqa Magaalada Maxamed Macalin Yuusuf ayaa Gudoomiyey shir looga hadlayey Amniga iyo Xoojinta Nabada Magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Hay’addaha Amniga, Milatariga, Booliska, Nabad Sugida, Odeyaasha Dhaqanka iyo Saaxibada Soomaaliya ee Itoobiya ayaa la isku raacay in aan la aqbali doonin in la qal qal geliyo Shacabka Sanadaha badan Go’doonsan ee ku nool Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha Degmada Waajid Maxamed macalin Yuusuf ayaa Odeyaasha iyo Hay’addaha Amniga ku Amray in gacan bir ah lagu qabto Kooxaha ka Shaqaynaya qal qal gelinta Amniga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dhinaca kale gudoomiye Maxamed ayaa sidoo kale shacabka ka codsaday in ay la shaqeyaan laamaha amniga madaama waxa ugu horeeyo ay tahay ee la shaqeynaayo amnigooda loona baahan yahay in ay fariimahooda ay la soo wadagaan laamaha amniga ee degmada.


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com