Home » Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay degmada Berdaalle(SAWIRRO)

Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay degmada Berdaalle(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Berdaalle(CKG)-Wafdiga Koonfur Galbeed ee ku sugan Berdaale oo uu horkacayo Wasiika Amniga Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa maamulka Degmada, gudoomiyeyaasha xaafadaha iyo saraakiisha amniga kala hadlay dardargelinta sugida nabad-gelyada drgmada Berdaale ee gobolka Baay.

Fadhigaan ayaa intiisa badan looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga degmada iyo sidii kaalin fiican ay uga qaadan lahayeen maamulka degmada, gudoomiyaasha Xaafadaha iyo guud ahaan bulshada ku nool degmada Derdaalle.

Xasan Cabduqaadir Maxamed Wasiirka amniga gudaha koonfur galbeed oo ka hadlaayay amniga degmada iyo sida lagu ilaalin lahaa oo sharxaayay ayaa sheegey in laamaha amniga looga baahan yahay in ay soo dhaweystaan shacabka xiriir fiicana ay layeshaan madaama bulshada ay ku dhax milan yihiin kooxda Al-shabaab.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay G/sare Amiin Maxamed Cusmaan ayaa sheegey in Booliska ku sugan degmada kaalintooda ka qaadan doonaan ka shaqeynta iyo lashaqeynta bulshada degmada Berdaalle si loo hello amni buuxa.
Gudoomiyaha degmada Berdaalle Mudane Cali Wardheere Dooyow ayaa sheegey in dhamaan la qaadan doono waxyaabihii looga hadlay kulanka si loo dar dar galiyo amniga degmada.

“Dhamaan waxaan qaadan doonaa fikiradaha ka soo baxay kulankaan looga hadlaayay amniga degmada, gudoomiyaasha xaafadaha degmada waxaan ka rajeynayaa inay nagala shaqeyn doonaan arimaha amniga degmada Booliska degmadana waxay habeen iyo maalin ay u soo jeedaan ilaalinta amniga bulshada”


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com