Home » Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay degmada Berdaalle gobolka Baay(SAWIRRO)

Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay degmada Berdaalle gobolka Baay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Berdaale(CKG)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Haadi Siraad Cumar oo ay Wehliyaan, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay,ayaa la kulmay saraakiisha Ciidamada ATMIS ee ku sugan Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Kulankan ayaa looga hadlaayay Sugida Amniga Guud ee Deegaanada hoos yimaada Degmada Berdaale.

Maamulada, madaxda wasaaradda amnig iyo mas’uulinta kale ee kulanka la qaatay saraakiisha ATMIS ayaa sheegay in amniga degmada uu xiligaani yahay mid lisku haleyn karo sidaasi darteeda Ciidamada looga baahan yahay in ay ka qeyb qataan amniga degmada iyo degaanada kale ee hoos yimaada.

Sidoo kale taliyaasha iyo Ciidamada ayaa ku sheegay in looga baahan yahay in ay wacyi-galin ay u sameyaan bulshada qeybahooda kala duwan si ay qeyb uga qataan amniga guud.

Dhinaca kale maamulka degmada Berdaale Cali Wardheere ayaa sheegay ka maamul ahaan in arrinta wacyi-galinta ay xoojin doonaan degmada iyo dhamaan degaanada ay gaar siin doonaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com