Home » Kulan lagu wacyi-galinaayay Odayaasha Dhaqanka D/Wanlaweyn oo degmadaasi lagu qabtay.(SAWIRRO)

Kulan lagu wacyi-galinaayay Odayaasha Dhaqanka D/Wanlaweyn oo degmadaasi lagu qabtay.(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Wanlaweyn(CKG)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kulan Wacyi-gelineed U Qabtey Odayaasha Dhaqanka Degmada Wanlaweyn Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulan kaan oo ahaa mid balaaran oo looga hadlayey wacyigelin ka dhan ah fikirka qaldan ee kooxaha nabadiidka Al-shabaab waxaa maanta loo qabtey odayaasha dhaqanka degmada wanlaweyn kadib markii safar shaqo halkaas maanta uu ku gaarey wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada dowlada KGS mudane Cabdifataax Cali Yuusuf.

Maamulka degmada wanlaweyn, saraakiisha laamaha kala duwan ee ciidamada, odayaasha dhaqanka, haween iyo dhalinyaro ayaa qeyb ka ahaa kulanka maanta.

Gudoomiyaha degmada wanlaweyn gobolka shabeelaha hoose Cabdixakiin Cabdulaahi Max’ed ayaa ugu horeyn ka hadlay soo dhoweynta xubnaha wefidiga wasiirka warfaafinta iyo ujeedada uu xambaarsan yahay kulanka maanta..

Qaar kamida xubnihii kulanka ka soo qeyb galay oo u badan odayaasha dhaqanka degmada wanlawen ayaa sidoo kale ka hadlaya aragtidooda ku aadan afkaarta ka dhanka ah kooxda Nabadiidka Al-shabaab.

Lataliyaha Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed dhanka warfaafinta Prof. maxamed Sheikh Cabdulaahi (Xayow) oo isagu qeyb ka ahaa xubnaha wefdiga iyo wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada KGS mudane Cabdifataax Cali Yuusuf ayaa si hufan uga hadlay dhibaatooyinka kooxahaan ay ku heeyaan bulshada soomaaliyeed iyo ahmiyada ay leedahay wacyigelinta..

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada dowlada KGS ayaa wado dadaaalo uu ku doonayo sidii uu u badbaadin lahaa nolosha dhalaanka soomaaliyeed ee ay qaldeen kooxaha nabadiidka Al-shabaab isagoo garab ka helaya dowladisa KGS.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com