HAMBURG (CKG)- Hay‘adda Ani Charity Foundation oo ka dhisan Magaalada Hamburg dalka Jarmarka ayaa waxay qabatay kulan labo maalin ahaa kaasi oo lagu dhiiragalinaayay dhalinyarada ku nool magaadala Hamburg iyo sidii ay uga faa’idaysan lahayeen nolosha qurbaha.
Kulanka ayaa waxaa soo agaasintahay hay’adda Ani Charity Foundation u dooda xaquuqda soo galootiga, Waxaana kulanka ka soo qeyb galay mas’uulin ka tirsan hay’adda, odiyaasha magaalada, culumo, dhalinyaro Rag iyo dumar is kugu jiraan.
Guddoomiyaha hay’adda Ani Charity Foundation Axmed Nuur Ibraahim (Soomaali) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada ku nool dalka Jarmarka ay sameyeen dadaal badan oo dalka wax uga soo kordhin lahayeen.
HALKA HOOSE KA DAAWO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN.
SIDOO KALE HALKA HOOSE QAAR KA MID AH SAWIRRADA KULANKA.
Codkakoonfurgalbeed.com