Home » Kulan Deg-deg Ah Oo Laga Yeeshay Soo Badbaadinta Dadka Wali Ku Sugan Suudan

Kulan Deg-deg Ah Oo Laga Yeeshay Soo Badbaadinta Dadka Wali Ku Sugan Suudan

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA  ayaa waxaa maanta ka qabsoomay kulan deg-deg ah oo ay yesheen Guddiga gurmadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee colaadaha Sudaan ka socda ku go,doonsan .

Kulankaan oo uu Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaana qeyb ka ahaa madax ka socta Hay’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa lagu faaqiday sida ugu fudud ee dadka Somaaliyeed ee ku go’doonsan dalkaas loo soo badbaadin karo oo dalka loogu soo celin karo, kuwa badan oo u qaxay xaduudaha Sudaan ay la wadaagto Masar, Itoobiya,iyo South Sudan  in loo sameeyo gurmad kasta oo la heli karo iyo in xaduudaha dalalka ay jogaan loogu furo.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday kulanka kadib xarun loo diyaariyey in dadka go,doonsan ay kala soo xariiraan Hay’adda si loo badbaadiyo oo gurmad loogu fidiyo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com