Home » Kulamo looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay Xudur.

Kulamo looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay Xudur.

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Degmada Xudur xarunta gobolka Bakool, waxay qeyb ka tahay halka ugu weyn ee degmooyinka gobolka Bakool loogu weerar qaadi karo, madaama labada degmood Tiyeeglow iyo Rabdhuure ciidamadooda iyo shacabkii ka soo barkacay ay degaanDegmada Xudur xarunta gobolka Bakool, waxay qeyb ka tahay halka ugu weyn ee degmooyinka gobolka Bakool loogu weerar qaadi karo, madaama labada degmood Tiyeeglow iyo Rabdhuure ciidamadooda iyo shacabkii ka soo barkacay ay degaan ku yihiin. ku yihiin.

Tan iyo markii kooxda al-shabaab ay la waregeen labadaasi degmo mar kasta ciidamada waxay diyaar u ahayeen in weeraro xoogan ay ku qadaan degmooyinkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur (Snek) oo ka qeyb galay kulan looga hadlaayay amniga guud gobolka iyo diyaar garowga wajiga labaad xuraynta KGS, ayaa sheegay in lagaaray xiligii reer Bakool culeyska ku haaya kooxda al-shabaab is kaga qaadi lahayeen, iyadoo sanado badan ay u dhibaataysan yihiin kaaxdaasi.

Gudoomiye Snek ayaa sheegay kulamo badan ay isla qateen maamulada degmooyinka Tiyeeglow, Xudur, Waajid, Rabdhuure, Ceelberde iyo saraakiisha ciidamada in ay ka soo baxeen qorshiyaal kooxda al-shabaab looga safeyn doono guud ahaan gobolka Bakool.

Kooxda al-shabaab laga xureyo Tiyeeglow iyo Rabdhuuray, waxay culeys dhan weliba ay ka qaadi doonaan degmada Xudur oo ku dhawaad 7 sano dul saar ku yihiin, iyadoon ku filneyn wax yaabaha aas aasiga u ah qofka Bini’aadinka ah.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com