Baydhabo(CKG)-Garoonka kubadda cagta Dr, Ayuub ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay koobka kooxaha heerka koowaad ee South West Super League kaasi oo ku tartamayeen ilaa lix kooxood kuwaasi oo ah ugu ku xifaaltama koobkaani.
Koobka South West Super League ayaa waxaa uu soo maray mar xaaladooyin kala duwan ayadoo marba mar qabanaysay hogaanka horyaalka.
koox kasta oo ay soo ciyaartay mid tobon kulan ayaa ahaa kuwo kooxaha ku xisaabtamaayay sidii ay u heli laheyd sedaxda dhibcood si ay u sii xoojisato hogaanka.
Kulankii ugu dambeeyay ayaa waxaa is kugu imaaday kooxaha kala ah FC. BaySom iyo FC. Baidoa ayadoona labada kooxood ay muhiim u ahaa inay helaan sedaxda dhibcood ee kulanka ayadoona kooxda FC. Baidoa kulankaan ugu baahneed guul ama in ay hesho bareejo taasi oo ugu dhigan tahay in ay ku qadayso labo dhibcood.
Kooxda FC. Baidoa ayaa ku gulaysatay koobka South West Super League halka kooxaha kala ah FC. X. Buslay iyo FC, BCC kala galeen kaalmaha koowaad iyo labaad.
mas’uulin ka tirsanaa wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS, xiriirka kubadda cagta KG, kan degmada Baydhabo, guddiyada ciyaaraha iyo mas’uulin kale ayaa ka soo qeyb galay wareejinta koobka South West Super League.
Ugu dambeyntii kooxaha labaad iyo sedaxaad galay. guddiyada, garsooriyaasha iyo ciidmadii ka qeyb qaatay sugidda amniga mudadii uu soo socday koobkaani ayaa dhankooda la abaal mariyay madaama kaalin muhiim ah ay ka soo qateen
Codkakoonfurgalbeed.com