Home » Kooxda Al-shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Ceeldheer

Kooxda Al-shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Ceeldheer

by Weriye Ateera

Ceeldheer(CKG) –Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud halkaasi oo uu ka dhacay dagaal culus.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada si weyn looga dareemay magaalada, isla markaana ay maqlayeen hubka ay is waydaarsanayeen labada dhinac.

Kooxda Al-shabaab ayaa afar jiho ka wareeray magaalada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

“Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka”

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com