Home » Koonfur Galbeed Oo Tababar Sare U Soo Xirtay Saraakiil Ciidan.

Koonfur Galbeed Oo Tababar Sare U Soo Xirtay Saraakiil Ciidan.

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo: (CKG-) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed oo muddo lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada itoobiya ee Magaalada Baydhabo.

Saraakiishan ayaa Muddo waxaa u socdey Tababar aqoontooda sare loogu qaadayo kuwaasi oo ay u fidinayeen Ciidamada Itoobiya oo qeybta ka ah howlgalka ATMIS ee kusugan Soomaaliya.

bilihii lasoo dhaafay waxaa socdey dib u habeyn ciidan oo madaxda Koonfur Galbeed ay wadaan Kaddib markii dowlada soomaaliya ay ku dhawaaqdey Howlgal ka dhan ah Al Shabaab.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

Halkan hoose ka daawo Sawiradan

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com