Home » Kismaayo: Shir u dhaxeeyay taliyeyaasha ciidanka dowlad goboleedyada iyo Kan Federaalka oo la soo gabagabeeyay

Kismaayo: Shir u dhaxeeyay taliyeyaasha ciidanka dowlad goboleedyada iyo Kan Federaalka oo la soo gabagabeeyay

by CKG Editor

Kismaayo (CKG) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad Firin ayaa Khamiistii maanta soo xirey shirkii taliyayaasha Booliiska dowlad Goboleedyada, kaas oo u dhexeeyey wasaaraddaha amniga dowlad goboleedyada, wasaaradda amniga DFS iyo taliska ciidanka Booliiska Federaadka, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa u mahadceliyey guud ahaan wasaaraddaha amniga iyo saraakiishii ka soo qeyb gashey shirka.

S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa faray saraakiisha in laga shaqeeyo horumarka amni ee dalkeena iyo u adeegga bulshada Soomaliyeed oo la daalaadhacaysa hadimadii ay u geysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliye Sulub ayaa intaas ku daray in guud ahaan Booliiska heerarkiisa kala duwan laga qeyb qaadto dib u xorreynta dalka iyo xasilinta, qof kasta oo Booliis ahna uu safka hore ka galo dagaalka khawaarijta lagula jiro.

CodkaKoonfuGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com